Arsene Wenger Oo Farta Ku Fiiqay Halka Waddo Ee Ay Arsenal Kaga Badin Karto PSG.

Arsene Wenger ayaa aaminsan in awooda daafaca Arsenal ay ka caawin karto Gunners in ay dhaafto PSG semi-finalka Champions League.

Gunners ayaa isku dayaysa inay gaarto finalka tartanka markii ugu horeysay tan iyo 2006, markaasoo kooxda oo uu Arsene Wenger raadinayay looga qaaday si darqi ah.

Arsenal ayaa 5/1 kaga badisay Real Madrid labadii kulan ee ugu dambeeyay waxana ay wajahayaan PSG Si ay u gaadhaan final-ka tartanka.

Arsenal ayaa 2-0 ku garaacday PSG horaantii xilli ciyaareedkan markaas oo ay labada kooxood ku kulmeen wajigii horyaalka, laakiin kooxda Luis Enrique ayaa aad u horumartay tan iyo markaas waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed indho soo jiidasho leh.

Ciyaartoyda sida Ousmane Dembele iyo Khvicha Kvaratskhelia ayaa tijaabo weyn u noqon doona difaaca Arsenal, laakiin Wenger ayaa soo jeediyay in daafaca adag ee kooxdiisii hore ay fure u noqon doonto in ay garaacdo PSG iskana xaadiriso Final-ka.

“Waxaan aaminsanahay in Arsenal ay leedahay awood ay ku samayn karto”ayuu Wenger yidhi.

“Laakiin dabcan mar aad aado semi-finalka, PSG sidoo kale waa koox aad u fiican, qof walba wuu ku faraxsan yahay kulanka”.

“Guud ahaan waxaan aaminsanahay in Arsenal ay aad u daafac adagtahay taas ayaana ka caawinaysa in ay gaadho final-ka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga