Arsenal vs PSG, Barcelona vs Inter Milan, Bayern Munich vs ….. – Isku-aadka Wareegga 16ka Champions League Oo La Saadaaliyey

Saadaal laga sameeyey isku-aadka wareegga 16ka tartanak Chmapions League ayaa qalbi-jab ku ridday kooxaha PSG iyo Arsenal oo loo sheegay inay isku dhici doonaan, taas oo haddii ay run noqoto ka dhignaanaysa in labadan kooxood ay midkood macasalaamayn doonto fagaareyaasha Yurub horraanta bisha March ee sannadka dambe.

Kooxaha waaweyn ee Yurub ee kusoo baxay kaalmaha koowaad ee group-yadooda sida Man City, Real Madrid, Arsenal, Atletico Madrid, Bayern Munich iyo Barcelona ayaa waxa ay ka walaacsan yihiin dhawr kooxood oo awood badan oo kusoo baxay kaalmaha labaad oo ay qasab tahay inay midkood ku dhacaan isku-aadka Isniinta la samaynayo.

Naadiyada kala ah Paris Saint-Germain, Napoli, Inter Milan, FC Porto iyo PSV Eindhoven ayaa ah naadiyada ugu awoodda badan ee ku baxay kaalmaha labaad ee ay afka iska gelayaan kuwa kusoo baxay kaalmaha 1aad ee marxaladdii hormooyinka.

Wargeyska The Sun oo saadaal ka sameeyey isku-aadka ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay waajihi doonto PSG oo ay sannadkii 2016/17 isku dhaceen wareeggii 16ka, isla markaana la reebay Arsenal, waxaanay ahayd markii ugu dambaysay ee ay Gunners kasoo qayb-gasho tartanka Champions League oo ay xilli-ciyaareedkan dib ugu soo laabteen.

Waxa kale oo ay saadaasha The Sun sheegtay, in Man City ay mari doonto imtixaan fudud oo ay isku dhici doonaan PSV Eindhoven, laakiin musalsalku uu sugayo Barcelona oo ay Inter Milan isku beegmi doonaan iyo Bayern Munich oo ku dhacaysa Napoli.

Real Madrid oo sida uu sharcigu dhigayo aan ku dhici doonin Napoli oo ay isku group kasoo baxeen, ayaa waxa ay saadaashu sheegaysaa inay afka iska geli doonaan Lazio.

Waatan saadaasha The Sun ee wareegga 16ka Champions League

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga