
Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda West Ham kulan ka tirsanaa premier league.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal awood badan tahay.
Daqiiqadii 10-aad ayaa Gabriel dhaliyay goolka furitaanka waxana u ciyaarta ka dhigay 1/0.
Xiddiga Trossard ayaa kooxdiisa u dheereeyay hogaanka waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.
Kooxda Arsenal ayaan Halkaas ku joogsan waxana ay dhaliyeen goolka 3-aad ee ciyaarta daqiiqadii 34-aad waxana u dhaliyay kabtankood Ødegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.
Havertz ayaa daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa.
Kooxda West Ham ayaa dhalisay laba gool oo deg-deg ah oo ay u kala dhaliyeen Wan-Bissaka iyo Emerson.
xiddiga Bukayo Saka ayaa dhaliyay goolka 5-aad ee kooxdiisa kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal kabaha la dul-martay kooxda West Ham.
Be the first to comment