Arsenal Oo Xaqiinisay 17 Xiddig Oo Ka Tagay Kooxda.

Ciyaartoyda Arsenal oo aad u tiro badan ayaa maanta oo isniin ah macsalaamayn doona kooxda.

Guud ahaan, 17 ciyaartoy ayaa macsalaamayn doona garoonka Emirates, sababtoo ah qandaraaskoodu waxa uu dhacayaa 30ka June.

Liiska xiddigaha baxaya ayaa waxaa ku jira dhowr ciyaartoy oo magac sare leh oo ka tirsan kooxda koowaad, iyo sidoo kale xiddigo da’yar oo rajo wanaagsan leh oo aan weli wax saameyn ah ku yeelan ciyaarta.

Xiddigaha baxaya waxaa ka mid ah Thomas Partey. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal inta uu joogay kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay tahay, Partey kama ciyaari doono Emirates xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale xiddiga Kieran Tierney ayaa ka mid ah xiddigaha ka tagaya kooxda Arsenal kadib markii uu dhacay heshiiskiisa.

Xiddigaha Amaahda kula joogay kooxda ee Raheem Sterling iyo Neto ayaa ka tagay kooxda.

Xiddigaha kale ee ka tagay kooxda ayaa kala ah Nathan Butler-Oyedeji, Khayon Edwards, Jimi Gower, Jack Henry-Francis, Brian Okonkwo, Ismail Oulad M’Hand, Salah-Eddine Oulad M’Hand, Elian Quesada-Thorn, Jakai Fisher, Reece Clairmont, Romari Forde, Max Kuczynski, iyo Zacariah Shuaib.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga