Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xiddig Kooxdeeda Ah Ka Hor Kulanka Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa weyn doonta xiddig muhiim ah kulanka ay la ciyaarayaan Liverpool Axada 27-ka October.

Kooxda Mikel Arteta ayaa la kulantay dhirbaaxo ku aadan tartankooda premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Bournemouth.

Gunners ayaa hadda fadhisa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka iyagoo afar dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool.

Kooxda Arteta ayaa waxaa ka maqan kabtan Martin Odegaard tan iyo markii uu dhaawac soo gaaray isagoo gudanaya waajibaadka xulkiisa horaantii Sebtembar.

Bukayo Saka ayaa ka maqnaa guuldaradii Arsenal isbuucii hore isagoo ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Laakiin waxa kooxda ka maqnaan doona kulanka Liverpool xiddiga William Saliba kaas oo kaadhka cas qaatay kulankii Bournemouth.

Sky Sport ayaa haatan xaqiijisay in ayna Arsenal racfaan ka qaadan doonin kaadhkii casaa ee loo taagay xiddiga William Saliba.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga