Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah.

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa xorta ah ee xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.

Indhaha ayaa kor loo qaaday horaantii isbuucaan iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Bayern ay ka laabatay qandaraaskii ugu dambeeyay ee 30 jirkaan, kaasoo kula guuleystay sideed koob oo Bundesliga ah iyo hal koob oo Champions League ah toban sano oo uu kooxda la joogay.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ayaa lala xiriirinayaa Kimmich, kaasoo 97 kulan u saftay Jarmalka, laakiin Sky Germany ayaa ku warameysa inay tahay Arsenal wadahadalo kula jiraan xiddiga.

Arsenal ayaa raadineysa bedelka labada ciyaaryahan ee khadka dhexe Jorginho iyo Thomas Partey, kuwaas oo sidoo kale qandaraaskoodu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bayern ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Kimmich heshiis seddex sanno ah oo ku kacaya 375,000 oo gini todobaadkii, taasoo noqon lahayd kordhinta mushaharkiisa hadda la sheegay ee ah 320,000 todobaadkii.

Laakiin hadda Gunners ayaa si cad u sheegtay rabitaankeeda iyada oo xaqiijisay in ay danaynayso wadahadalada.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Kimmich uu ku wargaliyay Bayern xiisaha Arsenal, iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan koox kale oo ajnabi ah oo aan la magacaabin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga