Arsenal Oo U Dhaqaaqday Badalka Gyokeres

Sida laga soo xigtay  wargayska record kooxda Arsenal ayaa ugu yaraan si ku meel gaar ah u hakisay xiisaha Gyokeres.

Arintan ayaa ka dambaysa kadib wadahadalo Guuldaraystay oo ay la yeelatay kooxda Sporting Lisbon kuwaas oo dalbaday lacag dhan 85 milyan oo Euro. Halka ay Gunners diyaar u tahay in ay bixiso 55 milyan Euro.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa dhawaan ku adkaysatay in ay kaliya iibinayso xiddiga hadii la bixiyo lacagta lagu bur-burin Karo heshiiskiisa oo dhan 85 milyan oo Euro.

Waxay u muuqataa inay Arsenal dib ugu soo  laabanayso baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga kooxda Aston Villa ee Watkins.

Xiisaha Watkins ayaan Iman hada laakiin Arsenal ayaa isku dayday in ay la soo saxiixato weeraryahan suuqii January.

Watkins ayaa dhaliyay 75 gool shantii xilli ciyaareed ee uu Premier League ku soo ciyaaray ilaa maanta, waligiisna kama hoos dhicin 11 tan iyo markii uu Aston Villa kaga soo biiray Brentford xagaagii 2020.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga