Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay xiddiga Sporting CP Viktor Gyokeres xagaagan, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes.
Ka dib markii uu si gaabis ah ku bilowday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Gunners ayaa dardar galisay dadaalkeeda ku aadan xoojinta kooxdeeda, waxaana ay haatan u muuqataa mid ku dhow inay xoojiso dhammaan goobihii ay ku tala gashay ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
Waxaa lagu soo waramayaa in Mikel Arteta uu doonayo inuu ku soo kordhiyo kooxdiisa daafaca dhexe xiddig khadka dhexe ah iyo weerarka kooxda Waqooyiga London ayaana horey ula soo saxiixatay Riccardo Calafiori si uu ugu xoojiyo daafaca.
Kadib markii ay heshay saxiixa xiddiga reer Italy, Arsenal ayaa diirada saaraysa xoojinta khadka dhexe waxana lagu soo waramayaa in ay ka shaqaynayso sidii ay Mikel Merino ugala soo wareegi lahayd kooxda Real Sociedad.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Arsenal ay isku mar ka shaqeyneyso heshiis ay kula soo saxiixaneyso Gyokeres si ay u xoojiso waaxda weerarka sida lagu sheegay warbixinta Fichajes, kooxda Arteta ayaa durba la gaartay ‘heshiis’ ciyaaryahanka oo ku saabsan shuruudaha shaqsiyeed.
Be the first to comment