Arsenal Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Martin Zubimendi

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Real Sociedad iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Martin Zubimendi.

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay ka dhigi doonaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Martín Zubimendi saxiixoodii ugu horeeyay ee xagaaga inkastoo ay xiiseynayaan Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid xiiso wakhti dambe ah u muujisay saxiixa xiddiga reer Spain.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in Arsenal ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Khadka dhexe oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 68 milyan oo euro.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa aad ula dhacsan ciyaaryahanka halka agaasimaha cusub ee isboortiga Andrea Berta uu sidoo kale ku heshiiyey in Zubimendi uu xoojin doono khadka dhexe kaasoo laga yaabo inuu isku shaandheyn sameeyo xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga