Arsenal Oo Si Dhaw Ula Socota Julian Alvarez.

Arsenal ayaa isha ku haysa xaalada weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay The Mirror.

Gunners ayaa loo sheegay inay qaadan doonto dalab ku kacaya 93 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga weerarka ka ciyaara xagaagan.

Alvarez ayaa la fahamsan yahay inuusan ku faraxsanayn Etihad sababtoo ah ciyaari la’aan, iyadoo Erling Haaland uu si adag uga horeeyo.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub iyada oo kooxdu ku dhibaatootay goolka hortiisa xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku dhaw in ay iska iibiso Nketiah waxana ay suuqa u gali doontaa badalkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga