
Kooxda Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ka fiirsanayaan inay weeraryahanka Gabriel Jesus ka ka qayb dhigaan heshiis is dhaafsi oo ay ku doonayaan saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Kenan Yildiz, kaasoo bartilmaameed u ah Manchester United iyo Chelsea.
Jesus ayaa joogay garoonka Emirates tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City xagaagii 2022.
28-jirka reer Brazil, oo xilli-ciyaareedkiisii afraad ku sugan kooxda, ayaa ku dhawaad 100 kulan u saftay tartamada oo dhan, isagoo ka qayb qaatay 46 gool, oo ay ku jiraan 26 gool uu dhaliyay.
Jesus kama ciyaarin xilli-ciyaareedkan, kadib dhaawac ka soo gaaray seedaha jilibka bishii January.
Waxaana la filayaa inuusan dib u ciyaarin ilaa sanadka 2025. Jesus waxa uu qandaraas kula jira kooxda Emirates ilaa 2027, balse Radio Radio (oo uu soo xigtay Football Talk) ayaa sheegaya in Gunners-ka ay suurtagal tahay inay weeraryahanka reer Brazil u adeegsan karaan heshiis is-weydaarsi ah oo ay ku doonayaan xiddiga Juventus ee Yildiz.
20-jirka reer Turkiga ayaa si wanaagsan ku bilaabay xilli-ciyaareedkan tan iyo markii uu labo sano kahor sameeyay kasoo muuqashadiisii ugu horreysay ee kooxda koowaad.
Yildiz ayaa labo gool dhaliyay afar kalena caawiye ka noqday siddeed kulan oo uu ka qeyb galay tartamada kala duwan. Waxa uu qandaraas kula jiraa Allianz Arena ilaa 2029.
Waa muhiim in la xuso in Jesus – oo aan ciyaarin ku dhowaad hal sano – uu Transfermarkt ku qiimeeyay £27.9 milyan (€32 milyan), halka Gunners-ku ay isaga ku qiimeeyaan qiyaastii £30 milyan. Kooxda ka ciyaarta Premier League sidoo kale way ka warqabtaa xiisaha ay kooxaha ay xafiiltamaan sida Blues iyo Red Devils u qabaan Yildiz.
Be the first to comment