Arsenal Oo Man United Ka Hor Istaagi Karta Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah.

Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanagsan Spain Euro 2024, sida lagu sheegay warbixin cusub – waxayna taasi saameyn ku yeelan kartaa Manchester United iyo baacsiga Manuel Ugarte.

Kooxda Mikel Arteta ayaa suuqa ugu jirta Xiddig khadka dhexe ah oo ay ka garab ciyaarsiiyaan Declan Ride.

Arsenal ayaa xiiso u muujisay Saxiixa Fabio Ruiz waxana ay haatanba wadahadalo la qaateen kooxda PSG.

Hadii ay dhacdo in ay PSG ogolaato in ay Arsenal ka iibiso xiddiga Fabio Ruiz waxa ay saamayn ku yeelan doontaa Man united.

Man united ayaa dhinaceeda doonaysa Saxiixa Xiddiga Manuel Ugarte Si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.

Laakiin PSG ayaa joojin doonta iibinta Ugarte hadii ay Arsenal ka iibiso xiddiga Fabian Ruiz.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga