Arsenal Oo Loo Sheegay Waxa Ay Tahay In Ay Samayso Hadii Ay Doonayso In ay Ku Guulaysanayso Premier League.

Perry Groves ayaa sheegay in uu Victor Osimhen u soo qaadi doono Arsenal hadii ay fursad u helaan ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga ee January.

Arsenal ayaa xagaagii hore iska indha-tirtay saxiixa weeraryahan iyaga oo kalsooni siiyay xiddiga Kai Havertz ka dib markii xiddigu isku muujiyay qaab ciyaareed fiican.

Laakiin waxa jirta hadal hayn ah in ay Arsenal u baahantahay weeraryahan dhaliye ah Bishan si ay kooxdu ugu tartanto premierLeague xilli ciyaareedkan.

Ka hor kulankii Tottenham, Arteta ayaa sheegay in ay Arsenal suuqa u galayso weeraryahan cusub suuqa January.

Mar la waydiiyay in Arsenal ay suuqa u galayso weeraryahan ayuu yidhi”Haa, waa hubaal”.

Garabkii hore ee Arsenal Groves – oo laba horyaal kula guuleystay Gunners – ayaa aaminsan in kooxdiisii ​​hore ay u baahan tahay inay keento ‘laba ama saddex xiddig haddii ay doonayaan inay u tartamaan horyaalka qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

“Haddii ay rabaan inay ku guuleystaan ​​horyaalka, kani waa wakhtiga aytahay in ay la soo saxiixato 3 ciyaartoy”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga