Arsenal Oo Loo Sheegay Wakhtiga Uu Saliba Ka Tagi Doono Arsenal.

Xiddigii hore ee Chelsea, Marcel Desailly ayaa ku adkeystay in daafaca Arsenal William Saliba uu ka tagi doono kooxda kuna biiri doono Real Madrid mustaqbalka.

Sida laga soo xigtay Desailly, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa kaliya sii joogi doona Arsenal xilli ciyaareedka soo socda ee 2025/26, isagoo intaa ku daray in taageerayaasha Gunners ay walwal qabaan.

Waxa uu u sheegay Oddspedia: “Hal walaac ah oo haysta taageerayaasha Arsenal ayaa ah in Saliba uu soo qaatay seddex, waxaana laga yaabaa inuu afar xilli ciyaareed ku qaadan doono kooxda Arsenal “.

“Xilli ciyaareedkan wuu joogi doonaa halkan, ma filayo in uu ka tago kooxda.

“Laakiin xilli ciyaareedka dambe waxaan ku arki karaa isaga oo aaday Real Madrid”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga