Arsenal Oo Loo Sheegay Kooxda Kaliya Ee Ka Hor Istaagi Karta Ku Guulaysiga Champions League.

Danny Murphy waxa uu aaminsan yahay in Arsenal loo tixgelinayo kooxda ugu cadcad ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan, isla markaana uu arko hal koox oo kaliya oo hor istaagi karta.

Kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ayaa bilow aan qalad lahayn ku sameysay tartanka xilli ciyaareedkan, iyagoo lix kulan badiyay tartanka ilaa haatan ka hor imtixaanka caawa ee ay la ciyaarayaan Inter, kulan ka dhacaya garoonka San Siro.

Arsenal ayaa garaacday kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich halka Gunners-ku ay dhaliyeen 11 gool kulamadii ay martida ahaayeen ee ay la ciyaareen Sparta Prague, Athletic Bilbao iyo Club Brugge.

Arsenal sidoo kale waxay ku jiraan xaalad aad u wanaagsan horyaalka Premier League, Murphy-na ma arko sabab ay u awoodi waayaan inay gaaraan guul taariikhi ah oo laba koob ah.

PSG ayaa xilli ciyaareedkii hore ka reebtay Arsenal tartanka Champions League marxaladda afar-dhamaadka (semi-final), kaddib laba lugood oo aad u dheellitiran, waxaana ciyaaryahankii hore ee Liverpool Danny Murphy ku adkeysanayaa in PSG Tahay kooxda kaliya ee hor istaagi karta Arsenal.

“Haddii Arsenal loo soo bandhigo kaliya Premier League, waxaan u maleynayaa inay aqbali lahaayeen, balse sidoo kale waxaan aaminsanahay inay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan Champions League,” ayuu Murphy u sheegay Boyle Sports.

“Si kastaba ha ahaatee, way adkaan doontaa, sababtoo ah Champions League-ka hal habeen oo xun ayaad yeelan kartaa, ama wax walba ayaa kaa hor imaan kara, markaasna waad ka haraysaa tartanka.”

“xitaa si fiican ayaad u ciyaari kartaa hadana waad guuldaraysan kartaa sabab la xidhiidha rikoodhayaal ama go’aamo khaldan oo garsooruhu qaato”.

“Laakiin anigoo si joogto ah u daawanaya sida ay u ciyaaraan, ma jirto sabab aysan u rumaysan karin inay ku guuleysan karaan. Waxay si xun u garaaceen Bayern Munich, oo ka mid ah kooxaha kale ee xooggan ee tartanka ku jira. Waxay ka ciyaarayaan si ka fiican koox kasta oo kale oo ka ciyaarta Premier League.”

“Ma u maleynayo in kooxaha Isbaanishka ay u xooggan yihiin sidii ay ahaan jireen waagii hore. Marka aad eegto wixii Liverpool ku sameysay Real Madrid, xitaa markii Liverpool aysan si fiican u ciyaareyn, iyo wixii Chelsea ku sameysay Barcelona. Kooxda kaliya ee Arsenal hor joogsan kartaa waa PSG”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga