Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay La Soo Saxiixato Xiddig U Ciyaara Man City, Sabab.

Mikel Arteta ayaa loogu baaqay inuu la soo saxiixdo weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez si uu Arsenal u gaarsiiyo heerka xiga.

Gunners ayaa lala xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina xilli Arteta uu doonayo inuu ku xoojiyo weerarka ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa ku tartantay horyaalka Premier League labadii sano ee ugu dambaysay waxana ay ku dhibaatoonayeen goolka hortiisa iyada oo dad badan aaminsanaayeen in ay kooxdu u baahantahay weeraryahan cusub.

Daaficii hore ee Arsenal William Gallas ayaa aaminsan in Alvarez uu u noqon lahaa ‘Saxiix weyn’ kooxdiisii ​​hore waxana uu ku adkaystay in uu kooxda gaadhsiin doono ‘heerarka xiga’.

“Julian Alvarez wuxuu u noqon lahaa saxiix weyn Arsenal,” Gallas ayaa u sheegay Genting Casino.

“Waxa uu ku guulaystay Koobka Adduunka, Copa America, Premier League iyo waliba champions League”

“Alvarez waxa uu gaadhsiin lahaa Arsenal heerka xiga, ma garanayo in uu dhalin karo 20 gool laakiin waxa uu ka ciyaari karaa garbaha ama weerarka waxana uu noqon karaa mid saamayn badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga