Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Ku Guulaysan Lahayd Horyaalka Hadii…

Arsenal ayaa ‘ku guulaysan lahayd Premier League’ haddii ay la soo saxiixan lahayd weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak.

Taasi waa ra’yiga weeraryahankii hore ee Premier League Troy Deeney, kaasoo aaminsan in kooxaha kale ay dhibaato ku jiri lahaayeen hadii uu Isak iman lahaa Emirates.

Arsenal ayaa marar badan lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo Isak, kaasoo Newcastle ugu biiray 2022 heshiis rikoorka kooxda ah oo uu kaga soo biiray Real Sociedad.

Isak ayaa naftiisa ka dhigay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican England 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay isagoo dhaliyay 41 gool 67 kulan oo horyaalka ah.

Mikel Arteta ayaa xiiseynayay inuu la soo saxiixdo weeraryahan cusub xagaagii hore laakiin wuxuu doortay inuu ku tiirsanaado Kai Havertz.

“Weeraryahanka ugu fiican kubbada cagta Ingariiska hadda”ayuu Deeney ka yidhi Isak.

“Waa ciyaartoyga hadii ay Arsenal la soo saxiixan lahayd ay ku guulaysan lahaayeen horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga