
Ally McCoist ayaa magacaabay seddex weeraryahan oo Arsenal ay tahay Arsenal in ay la soo saxiixato ka hor Viktor Gyokeres ka dib markii xiddiga Sporting Lisbon uu noqday bartilmaameedka ugu sarreeya ee Gunners.
Dhawaan ayaa la soo wariyay in Arsenal ay sare u qaaday xiisaha ay u qabto Gyokeres kaas oo muddo dheer la dhacsanaa agaasimaha cusub ee ciyaaraha kooxda Andrea Berta.
Xiddiga reer Sweden ayaa diiwaan gashaday 85 gool iyo 26 caawin 92 kulan oo uu ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale lala xiriiriyay Manchester United iyo inuu dib ula midoobo tababarihii hore ee Sporting Ruben Amorim.
Alexander Isak ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa Mikel Arteta ee No.1 laakiin shiiska ayaa ah mid qaali ah halka Gyokeres lagu heli karo kaliya 63 milyan oo euro.
Si kasta ha ahaatee McCoist ayaa sheegay in aanu ku qancin xiddiga 26 jirka ah isla markaas waxa uu Arseal u sheegay 3 xiddig oo ay u dhaqaaqi karaan badalkiisa.
“Maan arkin wax aan uGu qanci karo isaga, waxa aan daawaday dhawr mar mana arkin wax fiican marka laga yimaado in uu dhaliyay dhawr rikoodhe”ayuu yidhi.
“Hadii aan eego suuqa waxa aan isaga ka horaysiin lahaa Isak, Osimhen Iyo waliba Jean-Philippe Mateta”ayuu sii raaciyay,
Be the first to comment