
Michael Owen ayaa daaha ka qaaday habka kaliya ee ay Arsenal wali Liverpool ugu garaaci karto horyaalka premier League kadib guuldaradii West Ham.
Rajadii Arsenal ee hanashada horyaalka ayaa sabtidii la kulantay dharbaaxo weyn kadib guuldaradii ka soo gaadhay West Ham.
Weerar la’aanta ayaa mar kale dhibaato u ahayd Arsenal iyada oo kooxdu ku dhibaatootay goolka hortiisa.
Waxa intaas dheer in ay Arsenal ku dhamaystay 10 xiddig dib markii kaadhka cas looga saaray xiddiga Myles Lewis-Skelly.
Xiddigii hore ee Man United Iyo Liverpool ayaa sheegay Arsenal u baahantahay in ay badiso dhamaan 12 kulan ee u dhiman xilli ciyaareedka hadii ay doonayso in ay Liverpool ku garaacdo horyaalka premier League.
Isagoo ka falcelinaya guuldaradii Arsenal ka soo gaartay West Ham, Owen ayaa ku yiri”Waxaad u socotaa horyaal, Liverpool-na waxa ay lumisay dhibco kulamadii ugu dambeeyay”.
“Waan ogahay in ay dhaawacyo soo gaadheen kooxda, laakiin garoonkaaga ayaad kula ciyaaraysaa West Ham walina waxa aad tahay koox fiican, waxa aad dareemaysaa in ay ahayd in ay waddo hesho kuna badiso kulanka”.
“Hadii ay manta ay maanta oo dhan ciyaari lahaayeen wax gool ah ma dhaliseen Arsenal haatana waxa ay caawin ka doonayaan kooxaha kale”.
“Hadii ay Arsenal doonayso in ay Liverpool ku garaacdo horyaalka waxa ay u baahanyihiin in ay badiyaan dhamaan kulamada u dhiman”.
Be the first to comment