Arsenal Oo Loo Sheegay Badalka Mikel Merino Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa January.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal, Emmanuel Ebouer, ayaa ku boorriyay Gunners inay la saxiixdaan Arda Guler si uu u beddelo Mikel Merino oo dhaawac ah.

Ebouer ayaa u sheegay Aceodds.com:

“Arda Guler waa ciyaaryahan da’yar oo aad u wanaagsan, wuxuuna si fiican uga ciyaaray Real Madrid. Laakiin Premier League ma aha horyaal sahlan.

Haddii uu yimaado Arsenal, oo ah koox jecel kubadda lahaanshaha (possession football), Arda isaguna taas wuu jecel yahay. Wuxuu si fiican ugu habboonaan lahaa Arsenal, balse Arsenal horey ayay u haystaan ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah.

Wuxuu leeyahay lug bidix oo heer sare ah, wuu dhalin karaa goolal, wuu baas bixin karaa, Arsenal-na waxay jecel yihiin ciyaartoy noocaas ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga