Arsenal Oo Laga Sameeyay Saadaal Walaac Leh Kadib Markii La Soo Saaray Jadwalka Premier League.

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa la saadaaliyay in ay ku bilaaban doonaan si xun xilli ciyaareedka cusub ee Premier League kadib markii la soo saaray jadwalka xilli ciyaareedka cusub ee 2025/2026.

Laba ka mid ah kooxaha awooda leh ee England ayaa is wajihi doona usbuuca furitaanka iyadoo Gunners ay xilli ciyaareedkeeda ku booqan doonto Man United Old Trafford markii ugu horaysay tan ilaa 1989.

Kulamada ayaan u sahlanaan doonin Arsenal iyaga oo kadib la ciyaari doona Liverpool, Man City Iyo Newcastle.

Kooxda Arteta ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad seddex sano oo isku xigta, waana inay qabtaan shaqo ka fiican sidii hore iyada oo Gabriel Agbonlahor uu ka cabsi qabo inay Arsenal dhibaatoon doonto 6-da kulan ee ugu horaysa.

“Waxaad eegtaa lixda kooxood ee ugu horeeyay ee ay Arsenal la ciyaari doonto, Man United ayay booqan doontaa midka ugu horeeya”ayuu yidhi.

“Kadib waxa ay la ciyaari doontaa Leeds ka hor inta ayna booqan Liverpool Iyo Newcastle”.

“Arsenal uma noqon doonto bilow fiican”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga