Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig Laga Nacay Chelsea.

Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Kepa Arrizabalaga oo ay kala soo wareegayaan kooxda Chelsea.

Gunners ayaa goolhayaha ka dhigtay boos muhiim ah si ay u xoojiso xagaagan waxana ay si firfircoon uga fiirsanayeen in ay u dhaqaaqaan Goolhaye la tartama Raya.

Standard Sport ayaa hadda fahamsan inay si degdeg ah ugu dhaqaaqeen inay heshiis la gaaraan Kepa iyo Chelsea labadaba si ay ula soo saxiixdaan ciyaaryahanka reer Spain, kaasoo 5 milyan lagu heli Karo.

Dhammaan dhinacyada ayaa hadda la filayaa inay soo gabagabeeyaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa xiiseyneysay goolhayaha Espanyol Joan Garcia, laakiin 24 jirkaan ayaa haatan u muuqda mid ku biiraya Barcelona.

Kepa ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kaga soo qaatay Chelsea Bournemouth, halkaas oo uu ahaa goolhayaha koowaad ee kooxda.

Intaa ka hor, waxa uu xilli ciyaareedkii 2023/24 amaah ku joogay Real Madrid markii ay caddaatay in aanu mustaqbal ku lahayn Chelsea.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga