Napoli ayaa ku guuldareysatay dalabkii furitaanka ee ahaa 12.5 milyan ee ay ka gudbisay daafaca Arsenal Jakub Kiwior.
Kiwior ayaa u saftay 50 kulan tartamada oo dhan tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray kooxda ka ciyaarta Serie B ee Spezia Calcio bishii January 2023.
Waqtigaas, 24-sano jirku wuxuu caddeeyey inuu wax ka baran karo William Saliba iyo Gabriel Magalhaes oo udub dhexaad u ah daafaca Mikel Arteta, isagoo sidoo si fiican u buuxiyay daafaca Midig.
Laakiin Kiwior ayaa kaliya labo kulan ku soo bilowday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxana la rumaysan yahay in xiddiga reer Poland uu ka niyad jabsan yahay wakhtiga uu u ciyaarayo kooxda.
Sida laga soo xigtay Wargayska Tuttosport, Napoli ayaa qaaday tillaabooyinkoodii ugu horreeyay ee ay Kiwior ku dalban lahayd iyada oo dalab 12.5 milayn ah ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in Arsenal aysan xitaa ku qanacsanayn dalabka Napoli waxana ay dalbanaysaa lacag dhan 25 milyan oo euro.
Be the first to comment