Arsenal ayaa diiday laba dalab oo kala duwan oo ay Fulham iyo Crystal Palace ku doonaysay Emile Smith Rowe, iyadoo xiddiga khadka dhexe ee aan booskaas haysan uu ka fikirayo mustaqbalkiisa xagaagan.
Smith Rowe ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii 2021/22, isagoo dhaliyay toban gool iyo laba caawin Premier League.
Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo waxana ay keentay in uu lumiyo booskiisa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida laga soo xigtay Sky Sports Fulham iyo Palace ayaa labaduba muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa Smith Rowe waxayna dalabyo hore u gudbiyeen xiddiga heerka caalami ee dalka England.
Si kasta ha ahaatee Labada dalab waxa diiday Arsenal iyada oo aan ku qancin qiimaha ay la yimaadeen.
Be the first to comment