Arsenal Oo Joojisay Dadaalada Ay Ku Doonayso Saxiixa Viktor Gyokeres, Sabab.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay hakisay baacsiga Viktor Gyokeres, inkastoo uu weeraryahanka diiday inuu u dhaqaaqo Manchester United isagoo ka doorbiday Gunners.

Mikel Arteta ayaa isha ku haya in uu la soo saxiixdo gool dhaliye cusub waxana uu u sheegay taageerayaasha in ay fishaan xagaa weyn suuqa kala iibsiga.

Gyokeres ayaa bartilmaameed u noqday kooxda kadib markii uu dhaliyay 102 gool tan ilaa sanadkii 2023 markii uu ku biiray Sporting.

United ayaa sidoo kale xiiseyneysay 27-sano jirkaan, lakiin waxa uu ku wargaliyay inuusan dooneyn inuu ku biiro maadaama uu doorbidayo inuu u saxiixo koox ka ciyaaraysa champions League.

Si kastaba ha ahaatee wargayska Record ee ka soo baxa Portugal ayaa sheegaya in ay Arsenal joojisay dadaaladii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Gyokeres sabab la xidhiidha qiimaha xiddiga oo kor u dhaafaya 60 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga