Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay Leeds United, kaddib markii ay 4–0 ku xasuuqday kulankii wareegga 24-aad ee horyaalka Premier League, ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Elland Road.
Arsenal ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 27-aad, kaddib markii Martin Zubimendi uu dhaliyay gool uu ka helay caawin Madueke oo ka timid laad gees ah.
Daqiiqaddii 38-aad, goolhayaha Leeds Karl Darlow ayaa si kama’ ah iskaga dhaliyay gool kaddib kubbad kale oo ka timid laad gees ay Madueke soo tuuray.
Daqiiqaddii 68-aad, Viktor Gyokeres ayaa dhaliyay goolka saddexaad kaddib kubbad uu ka helay Martinelli, halka beddelka Gabriel Jesus uu dhaliyay goolka afraad daqiiqaddii 86-aad, isagoo ka faa’iideystay baas uu ka helay Odegaard.
Guushan kaddib, Arsenal waxay dhibcaheeda gaarsiisay 53 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta koowaad ee horyaalka, kana fog 7 dhibcood si ku-meelgaar ah Manchester City iyo Aston Villa.
Dhanka kale, Leeds United dhibcaheedu waxay ku hakadeen 26 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 16-aad.
Be the first to comment