Kooxda Arsenal ayaa gaadhay guul adag oo 2–1 ah kulankii ay la ciyaartay Mansfield Town ee FA Cup, kulan ka dhacay One Call Stadium.
Guushan waxay ka dhigtay Arsenal inay u gudubto wareegga xiga ee tartanka.
Arsenal ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 41-aad, kadib markii Noni Madueke uu helay kubbad uu siiyay Gabriel Martinelli, kadibna uu ka toogtay gudaha xerada ganaaxa si qurux badan, kubbadduna ay gashay shabaqa.
Daqiiqaddii 50-aad, Will Evans ayaa u dhaliyay Mansfield Town goolka barbaraha, kadib markii uu kubbadda u soo kaxeeyay dhinaca xerada ganaaxa isla markaana uu si hoose u dhaliyay isagoo dhaafiyay goolhayaha Kepa Arrizabalaga.
Daqiiqaddii 65-aad, Arsenal ayaa dhalisay goolka guusha, waxaana dhaliyay ciyaaryahanka beddelka kusoo galay Eberechi Eze, kaas oo si qurux badan uga toogtay gudaha xerada ganaaxa.
Guushan ayaa sii xoojisay rajada Arsenal ee FA Cup xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment