
Arsenal ayaa ku fikiraysa inay iska iibiso Gabriel Martinelli haddii ay helaan dalab loo arko inuu ka badan yahay qiimihiisu suuqa, sida lagu sheegay warbixin.
23-jirka Martinelli iyo garabka kale ee Leandro Trossard ayaa la aaminsan yahay in ciyaartoyda Arsenal laga yaabo inay iska iibiso xagaagan iyagoo isku dayaya inay lacag u helaan si ay u xoojiyaan kooxda.
Kooxda Arsenal ayay haatan ka dhaawacnyihiin weeraryahanada oo haatan ka maqan yihiin Kai Havertz iyo Gabriel Jesus kuwaas oo dhaawacan.
Arsenal ayaa la filayaa in ay si xoogan u gasho suuqa xagaaga si ay ula soo saxiixato weeraryahan goolal dhalin kara si ay ugu guulaystaan premier League.
Kooxda Arsenal ayaana la sheegayaa in ay iska iibin doonto Martinelli si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo weeraryahan cusub.
Be the first to comment