Arsenal Oo Hogaaminaysa Tartan Loogu Jiro Saxiixa Xiddig Weerarka Ka Ciyaara.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa tartanka loogu jiro weeraryahanka Lille Jonathan David.

Kooxda Arsenal ayaa si xun ku bilabaatay bishii May iyada oo laga reebay champions League sidoo kale laga qaaday Premier League.

David ayaa laga yaabaa inuu jawaab u noqdo dhibaatada weerarka ee Arsenal inkastoo sidoo kale la sheegay in weeraryahanka ay dooneyso kooxda finalka Champions League gaadhay ee Inter Milan.

Sida laga soo xigtay InterLive, Arsenal ayaa bartilmaameedsanaysa xiddigo badan oo weerarka ah si ay ugu xoojiso weerarkeeda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Gunners ay aad u xiiseyneyso inay hesho adeega xiddiga kooxda Lille Iyo xulka Canada David ka hor xilli ciyaareedka 2025-26 ee Premier League.

Waxaa la fahamsan yahay in Arsenal ay haatan tahay kooxda ugu cadcad tartanka loogu jiro saxiixa 25 jirkaan, kaasoo ka soo ciyaaray Lille ilaa bishii August 2020.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga