Arsenal Oo Heshay Dhiiri Galin Ku Saabsan Rodrygo Suuqa January.

Arsenal ayaa heshay dhiirrigelin cusub oo ku saabsan xiisaha ay u qabto garabka Real Madrid, Rodrygo.

Ciyaaryahanka reer Brazil xagaagii wuxuu u muuqday mid aan muhiim u ahayn qorshaha kooxda caasimadda Spain, kaddib markii uu si aad u yar uga soo muuqday tartankii Club World Cup intii uu hoggaaminayay tababare cusub Xabi Alonso.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo lala xiriirinayay Arsenal, Rodrygo wuu sii joogay Real Madrid waqtigaas.

Hadda, warar cusub oo ka imanaya Spain, kuwaas oo ay tabisay Diario Sport, ayaa sheegaya in Rodrygo uu doonayo inuu ka tago Real Madrid bisha Janaayo.

Laacibka 24-jirka ah ayaa la sheegay inuu bilaabay wada-hadallo uu la yeelanayo laba wakiil oo cusub, si uu u dedejiyo bixitaankiisa, iyadoo Arsenal iyo Manchester City lagu tilmaamay meelaha ugu macquulsan ee uu u wareegi karo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga