Arsenal Oo Guul Ku Soo Xidhatay Dhamaadka Heerka Groupka Ee Champions League..

Arsenal ayaa si xooggan ku bilowday kulankeedii ay la ciyaartay Kairat ee Kazakhstan, iyadoo maamul buuxa ku yeelatay ciyaarta tan iyo daqiiqadihii hore ee kulanka ay labada koox ku kulmeen wareeggii ugu dambeeyay ee marxaladda horyaalka UEFA Champions League xilli-ciyaareedka 2025–2026.

Victor Gyökeres ayaa si degdeg ah u dhaliyay goolka furitaanka ee Gunners-ka daqiiqaddii 2-aad, ka hor inta uusan Kairat barbardhigin ciyaarta gool rigoore ah oo uu si guul leh u tuuray Jorginho daqiiqaddii 7-aad.

Arsenal ayaa markale hoggaanka dib u qabsatay kadib markii Kai Havertz uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 15-aad, isagoo ka faa’iideystay awoodda cad ee ay kooxda martida loo ahaa ku muujisay inta badan ciyaarta.

Xiddiga reer Brazil Gabriel Martinelli ayaa sii xoojiyay natiijada, isagoo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 36-aad, taasoo keentay in qeybta hore lagu kala nasto Arsenal oo ku hoggaamineysa 3–1.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa waxaa jiray xiiso dheeraad ah, kadib markii Arsenal ay dhalisay gool afaraad oo laga diiday offside darteed, ka hor inta aysan kooxda Kazakhstan yareyn farqiga iyagoo dhaliyay goolkoodii labaad.

Kulanka ayaa ku dhammaaday guul 3–2 ah oo ay gaartay Arsenal, taasoo xaqiijisay hoggaanka Gunners-ka ee marxaladda horyaalka kadib olole adag, iyaga oo ay kooxda kaliya ee Dhamaan Kulamada badisay champions league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga