
Kooxda Arsenal garoomada Kuma so da-dajin doonto Bukayo Saka kadib markii lagu arkay qolka jimicsiga kooxda Arsenal.
Saka waa mid ka mid ah seddexda weeraryahan ee haatan garoomada ka maqan, iyadoo Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ay sidoo kale dhaawac yihiin.
Jesus ayaa seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sababo la xidhiidha dhaawac jilibka ah waxana lagu soo waramayaa in Martinelli uu garoomada ka maqnaan doono wax ka badan hal bil kadib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay guuldaradii todobaadkii hore ka soo gaartay Newcastle.
Saka ayaa ka Dhaawacmay muruqa waxana uu maraya qaliin taas oo keemtay in uu garoomada ka maqnaado muddo ka badan bil.
Xiddig ayaa la arkay isaga oo bilaabay jimicsiga ka Hor inta uuna mu Soo laaban tababarka buuxa ee kooxda.
Xiddiga ayaa loo qorsheeyay in uu maqnaado ilaa bisha march ee soo socota laakiin kadib markii la arkay isaga oo ka soo muuqday qolka jimicsiga ayay dad badan u qaateen in ku dhaw yahay in uu soo laabto.
Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga u ogolaan doonin in uu ku Soo laabto garoomada wakhti ka horeeya wakhtigii loo qoondeeyay maadama ay diidayaan in ay halis galiyaan xiddiga.
Be the first to comment