
Kooxda Arsenal ayaa si ku-meel-gaar ah hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda martida u ahayd ee West Ham United.
Kooxda “Gunners” ayaa martigelisay “Hammers” fiidnimadii Sabtida, ciyaarta oo ka dhacday garoonka Emirates, taasoo qeyb ka ahayd kulamada wareegga toddobaad ee horyaalka Premier League.
Declan Rice ayaa dhaliyay goolka koowaad ee kooxda martida loo ahaa daqiiqaddii 38-aad ee ciyaarta.
Kooxda Arsenal ayaa aqiiqadii 67-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal badisay isla markaas gaadhay guul muhiim ah.
Natiijadan, Arsenal waxay kor ugu kacday 16 dhibcood, taasoo si ku-meel-gaar ah ugu dhigtay kaalinta koowaad ee kala horeynta horyaalka Premier League.
Be the first to comment