Kooxda Arsenal ayaa u soo baxday wareegga 32-aad ee FA Cup-ka kaddib markii ay 4–1 ku garaacday Portsmouth wareegga 64-aad ee tartanka, ciyaar ka dhacday garoonka Fratton Park.
Portsmouth ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 3-aad iyadoo uu gool dhaliyay Colby Bishop, halka Arsenal ay barbaraysay daqiiqaddii 8-aad kaddib markii Andre Dozzell uu si khaldan isaga dhaliyay goolka.
Daqiiqaddii 25-aad, Gabriel Martinelli ayaa dhaliyay goolka labaad ee Arsenal, waxaana caawin ka ahaa Madueke. Daqiiqaddii 43-aad, isla Madueke ayaa khasaariyay rigoore, kaddib markii uu kubbadda si layaab leh uga leexiyay goolka.
Daqiiqaddii 51-aad, Gabriel Martinelli ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Arsenal, ka hor inta uusan mar kale isla ciyaaryahanku dhalin goolka afraad daqiiqaddii 72-aad.
Be the first to comment