
Kooxda Arsenal ayaa si xamaasad leh uga adkaatay martidoodii Nottingham Forest iyadoo ku dubatay 3-0, kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee horyaalka Premier League-ka Ingiriiska, kaasoo galabnimadii Sabtida lagu ciyaaray garoonka Emirates.
Tababaraha reer Spain Mikel Arteta ayaa safka hore ku bilaabay ciyaaryahanka ay isku waddanka yihiin ee Martin Zubimendi, kaasoo guul weyn ku furay safarkiisa Arsenal kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay daqiiqaddii 32-aad, taasoo qaybtii hore ee ciyaarta ku dhammaatay 1-0.
Kadib nasashada, Nottingham Forest ayaa isku dayday inay si ka duwan qaybtii hore u ciyaarto, balse Arsenal ayaa muujisay awooddeeda waxayna dhalisay gool labaad daqiiqaddii 46-aad oo uu saxiixay weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyökeres, goolkaasoo ka yimid caawin uu bixiyay laacibka cusub Eberechi Eze.
Zubimendi oo la dhacay dhadhanka shabaqa Forest ayaa go’aansaday inuu mar kale booqdo, wuxuuna dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Arsenal daqiiqaddii 79-aad, markan isagoo caawin ka helay Leandro Trossard. Natiijadaas ayaa siddeedii ku dambeysay ilaa ciyaarta laga dhammeeyay.
Guushan ayaa Arsenal si ku-meel-gaar ah ugu dirtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo ay 9 dhibcood la wadaagto kooxda Liverpool
Be the first to comment