Arsenal Oo Garaacday Ipswich, Chelsea Oo Ka Badisay Fulham Iyo United Oo Afka Dhulka Loo Daray.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday kooxda Ipswich kulan ka tirsnaaa premier League halka ay Man United guuldaro kala kulantay kooxda Wolves.

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fulham kulan xiiso lahaa.

Kooxda Arsenal ayaa ku badisay 4/0 kulan Ipswich ciyaarta ku dhamaystay 10 xiddig kadib markii kaadhka cas looga taagay xiddig.

Dhinaca kale Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Wolves kulan ka dhacay Old Trafford.

Chelsea ayaa sidoo kale sii waday fursadaha ay ugu soo bixi karto champions League iyaga oo guul ka gaadhay kooxda Fulham.

Chelsea ayaa looga hor maray goolka laakiin waxa ay gaadhay guul soo laabasho leh oo 2/1 ah oo ay ku badiyeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga