Arsenal Oo Garaacday Brighton Siina Dheeraystay Hogaanka Premier League.

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Brighton kadib markii ay ku garaaceen 1-0, kulan ka tirsanaa wareegga 29-aad ee Premier League oo lagu ciyaaray garoonka Amex Stadium.

Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa yimid daqiiqaddii 9-aad, waxaana dhaliyay Bukayo Saka kadib markii kubbad loo soo dhigay, wuxuuna ka tuuray darbo dhulka ku socota gudaha xerada ganaaxa taas oo ka yaabisay goolhayaha kuna dhacday shabaqa.

Guushan kadib, Arsenal waxay gaartay 67 dhibcood iyadoo ku jirta hoggaanka horyaalka, farqi 7 dhibcood ahna ka sareysa Manchester City. Dhanka kale Brighton waxay ku hartay 37 dhibcood, iyagoo si ku meel gaar ah ugu jira booska 18-aad.

Waxaa xusid mudan in Arsenal ay ciyaartay hal kulan oo ka badan kooxaha kale, halka Manchester City wareegan ay 2-2 barbaro la galeen Nottingham Forest.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga