Arsenal Oo Fariin Looga Diray Baacsiga Mikel Merino

Madaxweynaha Real Sociedad Jokin Aperribay ayaa xaqiijiyay in uu jeclaan lahaa in Mikel Merino uu kooxda sii joogo xagaagan.

Merino ayaa wacdaro ka dhigay tartankii euro 2024 isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay ku guulaysiga Tartanka.

Ka Tagista Emile Smith Rowe ayaa Arsenal u furaysa fursad ay kula saxiixato Merino waxana la filayaa in ay kooxda Arsenal u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Inkastoo Arsenal ay xiiseyneyso xiddiga hadana Real Sociedad ayaa rajo ka qabta in Merino uu sii joogi doono kooxda xagaagan.

Madaxweynaha kooxda Sociedad Aperribay ayaa u sheegay Mundo Deportivo: “Waan ka warqabnaa in Merino uu haysto dalabyo”.

“Wadahadalka isaga iyo dadka ku xeeran waxa uu ahaa mid daacad ah, waxaana rajeynayaa in go’aankiisa uu yahay inuu sii joogo, wuxuu horey u ogaa inaan dooneyno inuu sii joogo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga