Arsenal Oo Doonysa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Brighton & Hove Albion Joao Pedro.

Pedro ayaa wacdaro weyn ka sameeyay Brighton intii lagu jiray ololihiisii ​​ugu horeeyay, isagoo noqday gooldhalihi ugu horeeyay ee Brighton tartamada Yurub ka dib markii uu shabaqa soo taabtay wareega group-yada Europa League.

Dhinaca premier League, xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay 3 gool 31 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Isagoo shabaqa soo taabtay 20 jeer 40 kulan oo tartamada oo dhan Pedro wuxuu ku riyaaqay xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Brighton.

Sida laga soo xigtay FootballTransfers, joogitaanka Pedro ee Brighton ayaa soo afjarmi doona iyada oo kooxaha waaweyn ee premier League xiiso u qabaan saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya In Arsenal ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo 22 sanno jirkaan, kaasoo kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay xulka Brazil tartankii Copa America.

Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay rumeysan tahay in Pedro uu noqon karo beddelka Nketiah

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga