Arsenal Oo Doonaysa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa lagu oo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Eberechi Eze.

Saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegaya in ay Arsenal xiddiga Eberechi Eze ku dartay Liiska xiddigaha weerarka ka ciyaara ee ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xiddigo ka ciyaara garabka weerarka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mikel Arteta ayaa taageere weyn u ah xiddiga waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga