Arsenal Oo Dib U Dhigtay Go’aan Ka Gaadhista Mustaqbalka Arteta Laakiin…..

Shabakadda “ESPNFC” ayaa sheegtay in kooxda Arsenal aysan weli bilaabin wadahadallo ku saabsan cusboonaysiinta qandaraaska tababareheeda reer Spain, Mikel Arteta, kaas oo qandaraaskiisu ku egyahay xagaaga 2027.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer London ayaa sii wada qorshaha ay ku xaqiijinayso mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah, iyadoo wadahadallo kula jirta ciyaartoy ay ka mid yihiin Bukayo Saka iyo Jurrien Timber, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyadda maamulka ee lagu ilaalinayo xasilloonida kooxda muddo dheer.

Tababaraha reer Spain ayaa la wareegay hogaanka Arsenal sanadkii 2019, wuxuuna kooxda hoggaamiyay 306 kulan tartamada oo dhan.

Inta uu xilka hayay, Arteta wuxuu kula guuleystay kooxda FA Cup-ka Ingiriiska iyo sidoo kale Community Shield laba jeer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga