Nottingham ayaa Arsenal ku qabatay barbaro goolal la’aan ah (0-0) kulankii wareegga 22-aad ee Horyaalka Ingiriiska, kaas oo lagu ciyaaray garoonka City Ground.
Arsenal ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 50 dhibcood, iyagoo hoggaanka u haya kala sarreynta guud, halka Nottingham ay kordhisatay dhibcaheeda oo gaartay 22 dhibcood, kuna jirta kaalinta 17-aad.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa si cad u gacan sarreysay Arsenal, oo kubadda xakameysay isla markaana abuurtay fursado badan oo goolal lagu dhalin karay. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda Gunners-ka ayaa ka maqnaa taabashadii ugu dambeysay, nasiibkuna dhinacooda ma ahayn, iyadoo qaar ka mid ah fursadihii ay heleen ay gool noqon waayeen.
Qaybtii labaadna, Arsenal waxay sii waday dadaalkeeda, balse waxay la kulantay nidaam difaac iyo xeelad adag oo ay soo bandhigtay Nottingham. Inkasta oo Arsenal ay ciyaarta maamuleysay isla markaana abuurtay fursado halis ah, haddana way ku guuldarreysatay inay jebiso difaaca kooxda martida loo ahaa.
Be the first to comment