Kooxda Arsenal ayaa xoojisay hoggaanka ay ku hayso horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul 1–0 ah ka gaareen Crystal Palace.
Kooxda Gunners ayaa martigelisay Crystal Palace galabnimadii Axadda, garoonka Emirates, iyadoo ciyaartu ka tirsanayd wareegga sagaalaad ee horyaalka Premier League.
Eberechi Eze ayaa dhaliyay goolka guusha ee Arsenal daqiiqaddii 39aad ee ciyaarta.
Natiijadan ayaa keentay in kooxda Gunners ay kor u qaaddo dhibcaha ay haysato ilaa 22 dhibcood, iyagoo hoggaanka u haya jadwalka Premier League, afar dhibcoodna ka sarreeya Bournemouth oo ku jirta kaalinta labaad.
Dhanka kale, Crystal Palace ayaa weli leh 13 dhibcood, taasoo dhigaysa inay ku jiraan kaalinta tobnaad ee horyaalka Premier League.
Be the first to comment