Arsenal Oo Dhabarka Loo Saaray Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Xilli Ciyaareedka.

Kooxda Arsenal Ayaa la kulantay guuldaradii Ugu Horaysay ee horyaalka Premier League.

Gunners oo 10 xiddig ah Ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Bournemouth kulan Ka  tirsanaa premier league.

Kulanka Aya ahaa mid ay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay badiyaan kulanka.

Laakiin daqiiqadii 30-aad Ayaa laga saaray daafaca William Saliba.

Wixii intaas Ka dambeeyay Arsenal ayuu dadaalkeedu hoos u dhacay iyada oo lagu helay fursado badan.

Daqiiqadii 70-aad ayay Bournemouth dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Ryan christie kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

9 daqiiqo kadib gaar Ahaan daqiiqadii 79-aad ayay Bournemouth dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kluivert kas oo ciyaarta Ka dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal la kulantay guuldaradii Ugu Horaysay ee horyaalka Premier league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga