Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa soo gudbisay dalab ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brentford Christian Norgaard, sida ay wararku sheegayaan.

Athletic ayaa sheegtay in Gunners ay miiska u saartay Brentford lacag dhan 9 milyan oo euro si ay u hesho 31 jirkan.

Arsenal ayaa raadinaysa xoojinta khadka dhexe ka dib markii ay si xor ah ku wayday xiddiga Khadka dhexe ee Jorginho.

Inkastoo aysan weli heshiis cusub ka saxiixan Thomas Partey heshiiska xiddiga ee Gunners ayaa dhacaya todobaadka dambe.

Sida ay wax u socdaan, Partey waxa uu ka tagi doonaa Emirates marka uu dhaco qandaraaskiisa.

Norgaard ayaa 34 jeer u ciyaaray horyaalka Premier League Brentford xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay shan gool, waxaana loo diiwaan geliyay afar caawin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa kooxda Brentford kadib markii uu Fiorentina kaga soo biiray sanadkii 2019.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in Norgaard uu doonayo inuu u wareego Waqooyiga London, iyadoo wada xaajoodyadu ay socdaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga