Ciyaaryahankii hore ee Scotland, Paul Dickov, ayaa saadaaliyay final-ka Carabao Cup ee Axadda dhex mari doona Arsenal iyo Manchester City.
Labada koox ee ugu sarreeya England ayaa ku kulmi doona garoonka Wembley si ay ugu tartamaan koobkii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan.
Dickov wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay diiradda saarayaan Premier League iyo Champions League, taas oo laga yaabo inay fursad siiso Manchester City.
Wuxuu u sheegay Metro UK:
“Waxaan dhihi lahaa waxaa laga yaabaa inay Manchester City uga muhiimsan tahay inay Axadda ku guuleystaan oo ay qaadaan koobkaas.
“Halka Arsenal, ma waxay indhaha ku hayaan Premier League – mise waxay indhaha ku hayaan Champions League mustaqbalka?”
Rajadii Manchester City ee ah inay qaadaan afar koob (Quadruple) ayaa dhammaatay bartamihii toddobaadkan kadib markii Real Madrid ay ka reebtay Champions League, halka Arsenal ay weli u dagaallamayso dhammaan afarta koob.
Be the first to comment