Arsenal Mise Man City? Jamie Carragher Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Badiso & Sababta.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday cida uu doonayo in ay badiso kulanka adag ee premier League ee u dhexeeya kooxaha Man City iyo Arsenal.

Mikel Arteta’s Gunners ayaa u safri doonta Etihad Stadium galabnimada Axada iyagoo og hadii ay badiyaan in ay 4 dhibcood ka sarayn doonaan kooxda Man City.

Arsenal ayaa kalsooni ka qaadan doonta guul 1-0 ah oo ay ka gaareen kooxda Pep Guardiola horaantii xilli ciyaareedkan laakiin 4-1 ayaa lagu garaacay xilli ciyaareedkii hore kulankan oo kale.

Liverpool oo la dhibco ah kooxda Arsenal ayaa saacado yar ka hor kulanka Etihad la ciyaari doonta kooxda Brighton waxayna si gaar ah isha ugu hayn doontaa kulanka xilli ay isku dayayso in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp.

Carragher ayaa sheegay in guul ay Arsenal gaadho ay Liverpool u fiicantahay maadama hadii ay Man City badiso ay Arsenal ka baxayso tartanka horyaalka premier League.

“Shaki la’aan waxan rabnaa guul ay Arsenal gaadho Axada hadii aan nahay Liverpool”ayuu Yidhi.

“waxaan filayaa in xitaa haddii Man City laga badiyo kulankaas Axada, ay wali ku guulaysan karaan horyaalka. Weli way ku guuleysan karaan horyaalka haddii laga badiyo”.

“Waxaan qabaa haddii Arsenal la garaaco, ma arko sida ay ugu guulaysan karaan horyaalka, Dhanka Liverpool, xaqiiqdii waxaad dooneysaa in City laga badiyo, laakiin dhab ahaantii waxaan qabaa inay weli ku guuleysan karaan horyaalka”.

“Ma arko Arsenal in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalka hadii ay guuldaro kala kulanto Man City maadama ay la dagaalami doonaan koox horay ugu guulaystay horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga