Tababarihii hore ee Crystal Palace, Alan Pardew, ayaa sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, iyagoo ka horreyn doona Manchester City.
Isagoo ka hadlayay idaacadda talkSPORT, Pardew wuxuu carrabka ku adkeeyay dhibcaha ay hadda heystaan Gunners-ka.
Wiilasha uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa haatan shan dhibcood ka sarreeya City, inkastoo ay ciyaareen hal kulan oo dheeraad ah.
Pardew ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in dhibcaha ay heystaan ay yihiin keyd ku filan.
“Markaad eegto Man City, waxay horey u lumiyeen shan kulan. Uma maleynayo inay awoodi karaan inay lumiyaan lix ama toddobo kulan.
“Sidaas darteed, aniga ahaan, waxay noqon doontaa Arsenal. Premier League-ga waxaa la go’aamin doonaa bisha April”
“Haddii Arsenal ay sii ahaato guul-darro la’aan ilaa Abriil, waxay ku guuleysan doontaa horyaalka.”
Be the first to comment