Arsenal Mise Bayern Munich? Micah Richards Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka 2-aad

Xiddigii hore ee Man City Micah Richards ayaa Arsenal u saadaaliyay in ay garaacdo Bayern Munic lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal ayaa bar-baro 2/2 ah ku kala baxay kulankii Emirates ee lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

“Aadista Allianz todobaadka dambe waxa uu noqon doonaa kulan adag, runtii kulan adag, hadii ay si fiican u ciyaaraan Arsenal dhib ayay gali doontaa”.

“Halka Sabab ee aan Arsenal ugu saadaalinayo in ay ka badiso Bayern Munich ayaa ah in ay Arsenal haysato fursada ugu fiican sababta oo ah si koox ah ayay u ciyaarayaan”.

Kulanka lugta 2-aad ee tartanka ayaa dhici doona todobaadka dambe kuna beegan 17 bisha April Arbacada soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga