Arsenal, Man City Mise Liverpool? Roy Keane Oo Badalay Saadaashiisii Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League.

Roy Keane ayaa Liverpool u magacaabay kooxda ugu cad cad horyaalka Premier League kadib markii ay Arsenal barbaro la gashay Manchester City Axadii.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Brighton oo ay ku garaacday 2-1 garoonka Anfield Axadii ka hor inta aysan City iyo Arsenal bar-baro gool la’aan ah ku galin garoonka Etihad Stadium.

Natiijooyinkii Axadii ayaa la macno ah in Liverpool ay haatan laba dhibcood ka sarayso Arsenal hogaanka Premier Leaque-ga halka ay 3 dhibcood ka sarayso kooxda Man City.

Keane ayaa markii hore City u saadaaliyay in ay difaacan karaan horyaalka laakiin kabtankii hore ee Man United ayaa haatan dareemaya in Liverpool ay ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka sababo la xidhiidha halista weerarka.

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool ugu cad-cadahay”Keane ayaa u sheegay Sky Sports.

Arsenal ayaa ugu 2-aad ee ugu cadcad sabab la xidhiidha farqigooda goolasha”ayuu sii raaciyay.

“Mar kasta oo aan daawado Liverpool, waxaan eegi karnaa hal ama laba qalad oo ay yeelan karaan, laakiin waxay helayaan fursado badan kulan kasta, waxay dhalin doonaan goolal badan”.

“Waxaan idhi Man City laakiin wixii aan arkay dhawaan, waxa aan u saadaalin doonaa Liverpool”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga